Man United oo ka shalleynaysa inay Old Tarrafod keento Sanchez iyo Maamulka oo…..

(Manchester) 26 Feb 2018. Manchester United ayaa la warinayaa inay durba bilowday inay ka shalleyso soo iibsashada Alexis Sanchez.

Dhaliyaha reer Chile ayaa hal gool uun u dhaliyay Red Devils tan iyo sidii uu Arsenal uga soo tagay bishii Janaayo.

Inkastuu hal gool dhaliyay misane wuxuu caawiyay labo kale, sidaa darteed waqti hore ayay noqoneysaa in durba la dhaleeceeyo..

Sidoo kale Sanchez ayaa door fiican ka ciyaaray kulankii xalay ay Man United 2-1 uga adkaatay Chelsea.

Laakiin, sidaa ay tahay misane wargeyska El Pais ayaa warinaya in maamulka Man United aya ka shalleynayaan inay Sanchez keenaan Old Trafford.

Image result for Sanchez Man United upset

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegaya in maamulka kooxda ay aaminsan yihiin inay qiimo jaban ku heli lahaayeen Sanchez haddii ay sugi lahaayeen ilaa suuqa xagaaga.

Waxaa ka dhaa dhacsan in Jose Mourinho uu howshan ku deg degay isagoo ka cararaya in Manchester City ay ka hor dafto laacibkii hore ee Barcelona.

Macallinka reer Portugal ayaa waxaa iminka saaran cadaadis ah sidii uu Sanchez dib ugu celin lahaa qaab ciyaareedkisii wacnaa ee Arsenal.

Khabiirka hilinka Sky Sport ee Graeme Sounes ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga niyad jabsan yahay bandhiga uu Sanchez ilaa iminka ka sameynayo Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close