Iska ilow Neymar, Xiddig kale oo muhiim ah oo ka maqnaan kara PSG kulanka Real Madrid

(Paris) 26 Feb 2018 Musiibada ayaad moodaa inay ku sii badanayso kooxda tababare Unai Emery ka hor kulanka isbuuca dambe ay marti qaadayaan Real Madrid.

Tababare Unai Emery ayeey soo wajahday cabsi wayn oo ka daran maqnaashaha Neymar kadib markii la sheegay in daafaca reer Brazil ee Marquinhos uu qabo dhaawac.

Marquinhos ayuu dhaawac dhanka bowdada ah ka soo gaaray kulankii xalay ay kooxdiisu 3-0 uga adkaatay Marseille oo marti u ahayd.

Image result for marquinhos Neymar injury

Wararka ka imaanaya Faransiiska ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in Marquinhos uu ka maqnaado kooxdiisa muddo dhan hal bil, taas oo ka dhigan inuu seegi doono kulanka Real Madrid.

Neymar iyo Marquinhos ayaa maraya baaritaan dheeraad ah si loo hubiyo waqtiga saxda ah ee ay ka maqnaanayaan garoomada, kooxda ayaana laga sugayaa warbixin kama danbays ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close