“Guul wax aan ahayn kuma qanci doono kulanka Barcelona” – N’Golo Kante

(London) 26 Feb 2018 Burburiyaha kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa sheegay in kooxdiisu aysan ku qanci doonin wax ka yar guul kulanka lugta labaad ee Barcelona.

N’Golo Kante oo ka hadlay kulankii lugta hore ayaa sheegay in natiijo aysan jeclaysan uu ku soo idlaaday kulankii lugta hore, wuxuuna xusay labadii kubadd ee Willian uu birta ku garaacay.

Image result for Kante Messi

“Sifiican ayaan ula ciyaarnay kulankii lugta hore, ma aanaan siin fursad ay gool nooga dhaliyaan, laba kubadood ayaan birta ku garaacnay laakiin 1-1 ayeey ku soo idlaatay ugu danbayntii” ayuu yiri N’Golo Kante.

“Wixii dhacaya ha dhacaan, waa inaan u ciyaarnaa sifiican kulanka lugta labaad, waxaan ku fikiraynaa kaliya guul, waxaan soo muujinay inaan leenahay awood aan uga adkaan karno Barcelona”.

Barcelona ayaa 14-ka bisha Maarso garoonkeeda ku marti qaadi doonta Chelsea oo kulankii hore ay ku kala baxeen 1-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close