Aguero oo ka ra’yi dhiibtay cidda gacata sare yeelan doonta PSG Vs. Real…Lugta labaad

(Manchester) 26 Feb 2018. Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero waxa uu qabaa in Real Madrid ka adkaan doonto Paris Saint-Germain lugta labaad ee wareegga 16-ka.

Lugtii kowaad Real Madrid ayaa ku badisay 3-1.

Heer ciyaareedka wanaagsan ee ay PSG ku leedahay gegideeda ayaa ka dhigeysa kulankan mid ah ‘Faanoole fari kama qoda” balse Aguero oo u soo dheelay xifaaliyeyaasha maxaliga ah ee Real – Atleti ayaa qaba in Los Blancos soo bixi doonto.

“Waxaan aaminsannahay n Madrid soo bixi dooto, boos xooggan ayey joogaan,” ayuu Aguero u sheegay wariyeyaasha.

“Durba laba gool ayey ku hoggaaminayaan is araga, Real-na waa koox mar walba cabsi gool wadata, sidoo kale wey dhaliyan goolasha.

“Haddii ay gool dhaliyaan markaa is araga wuu dhammaaday, Madrid-na khibrad aad u badan ayey u leedahay Champions League-ga kolkaa waxaan filayaa in ay dhib la’aan u soo gudbaan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close