Willian iyo Matic oo ay dhex martay dhacdo qosol leh kulankii galabta (MUUQAAL)

(Manchester) 25 Feb 2018 Laacibka weerarka uga ciyaara Chelsea ee Willian ayaa sameeyay galabta dhacdo qosol leh kadib markii uu isku dayay inuu aqristo fariin tababare Mourinho uu u soo qoray Matic.

Tababare Jose Mourinho ayaa badal ku soo galiyay Eric Bailly, wuxuuna u soo dhiibay warqad uu ku soo qoray sida uu ka rabo in shaxda ay isku badasho maadama kooxdiisa laga doonayay inay difaacato hogaanka ciyaarta.

Eric Bailly ayaa warqadii u keenay Matic, balse Willian oo ka ag dhawaa ayaa isku dayay inuu qisho waxa ku qoran warqada iyo taatikada ay isticmaalayso United daqiiqadaha ka harsanaa ciyaarta.

Matic ayaa arkay Willian oo doonaya inuu kor ka qisho waxa ku qoran warqada, wuxuuna durba bilaabay inuu ka cararo laacibka reer Brazil kaas oo soo buursaday, ugu danbayntii Willian ayaa ku guul daraystay inuu arko fariintii Mourinho uu u soo qoray laacibkiisa.

Waxaa xusid mudan in Manchester United ay 2-1 uga adkaatay kooxda Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close