Mournho oo ka hadlay bandhigii McTominay ee galabta

(Manchester) 25 Feb 2018. Jose Mourinho waxa uu cajiib ku tilmaamay khadka dhexe ee da’yar Scott McTominay kaddib bandhigiisii wacnaa ee kulankii Chelsea.

McTominay, oo ka garab dheelay kulankii ay United bar bar dhaca 0-0 la gashay Sevilla Champions League-ga ayaa haddana axaddii ku soo bilowdyay.

Mourinho waxa uu sheegay in McTominay saameyn weyn ku yeelan doono Old Trafford mustaqbalka dhaw halka uu cadeeyey in kooxda goolal u keeni doono.

“Waa ciyaaryahan cajiib ah, ciyaryahan ah khadadka dhexe ee casira ah, wax walba wuu sameyn karaa,” ayuu wariyeyaasha u sheegay kulanka kaddib.

“Kaliya wax uusan wali sameyn waa dhalinta goolasha, taas oo uu awoodo, kaliya wax uusan u sameyn waa shaqada aan u dirsaday.

“Waxaan qabaa mustaqbalka in uu awoodo, taas waxaan ku aragnay kulamaddii diyaar garowga, laakiin maanta aad ayaan ugu faraxsanaa. Ma jecli in aan shaqsi ka hadlo, Nemanja Matic si wacan ayuu dhexda uga ciyaaray sidoo kale, difaacyada sidoo kale, Alexis Sanchez juhdi weyn ayuu bixiyey sidoo kale.

“Qeybtii dambe aad ayaan u kalsooni badneyn, waxaan qabaa qof walba wuu u qalmay, aniga ayey ahayd.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close