HORDHAC: AS Roma vs AC Milan

(Italy) 25 Feb 2018. Roma ayaa soo dhaweyn doonta kooxda AC Milan oo baryahaan car car ah.

Kulanka ayaa waxaa xiiso gaar ah u yeelaya in Roma ay dooneyso kaalinta saddexaad halka AC Milan ay iyana kaalmaha hore soo hiigsaneyso.

Wararka Labada Dhinac:

Roma ayaa dooneysa inay ka soo kaabato guul daradii dhaweyd ee ka soo gaartay lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.

Rick Karsdorp iyo Jonathan Silva oo qura ayaa dhaawacyo ka qaba.

AC Milan ayaan qabin walaac cusub oo dhaawacyo.

Waxay ka soo adkaadeen Ludogorets iyadoona wareega xiga ee Europe League lagu beegay kooxda Arsenal.

Nikola Kalinic, Marco Storari iyo Andrea Conti ayaa dhammaan wada maqnaan doona

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Roma vs Milan (Serie A)

Goobta: Stadio Olimpico

Goorta: 10:45 habeenimo

Garsoorka: Paolo Silvio Mazzoleni (Italy)

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Roma ayaa adkaatay dhammaan saddexdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka

•AC Milan ayaa adkaatay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay.

•Roma ayaa adkaatay afartii kulan ee ugu dambeeyay ay AC Milan la ciyaarto dhammaan tartamada.

•Roma ayaa dhalineysay isku cel celis 2.5 gool afartii kulan ee ugu dambeeyay ay Milan ku marti galiso garoonkeeda dhammaan tartamada.

Safafka Macquulka ah ee Roma vs Milan:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close