Chelsea oo hogaanka u haysa kooxaha ingiriiska ah ee doonaya saxiixa Robert Lewandowski

(London) 25 Feb 2018 Chelsea ayaa hogaanka u haysa tartanka loogu jiro saxiixa weerar yahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

29 jirkaan reer Poland ayaa doonaya inuu ka ciyaaro horyaalka ingiriiska kadib sanado badan oo uu ku qaatay horyaalka Jarmalka.

The Sun ayaa baahisay in Chelsea ay hogaanka u hayso kooxaha ingiriiska ah ee xiisaynaya saxiixa weerar yahanka Bayern ee Robert Lewandowski.

Image result for Lewandowski Chelsea

Xddiga ayaa dhawaan iska badalay wakiilkiisa, waxaana la saadaaliyay in xiliciyaareed kaan uu yahay kiisii ugu danbeeyay ee kooxda reer Jarmal.

Tababare Antonio Conte ayaa tusiyay maamulka Chelsea inuu u baahanyahay weerar yahan tayo sare leh, kadib markii uu keydka galiyay Morata iyo Giroud kulankii Barcelona.

Man City ayaa tartanka qayb ka ah, waxaana jooga tababarihiisii hore ee Pep Guardiola, sidoo kale Manchester United ayaa ku jirta kooxaha xiisaynaya saxiixa Robert Lewandowski.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close