ASR VS ACM 0-2…AC Milan oo Roma raaskeeda uga raysay + Sawirro

(Roma) 25 Feb 2018 – Kooxda AC Milan ayaa si qurux badan uga badisay kooxda AS Roma oo ay marti u ahayd taasoo ay 2-0 ku dhufatay, iyadoo ay goolasha ugu qaaraameen muluqyada Patrick Cutrone oo cirib cajiib ahayd dhaliyay iyo Davide Calabria oo si qurux badan u dhamaystiray goolka 2-aad kulankan oo ka dhacay Olimpico.

AC Milan ayaa bilowgii kaambiyada labaadba weerar bilowday waloow kaambiyadii hore woxoogaa laga firfircoonaa, waxayna haatan 7 dhibcood uun u jirta booska 4-aad ee loogu soo baxayo Champions League.

AC Milan ayaa Roma uga badinin raaskeeda Olimpico kulan Serie A ah tan iyo Oktoobar 2011, balse waxay haatan u muuqdaan kuwa sare u socda waana kulankii 12-aad oo aan dhinocooda dhulka la dhigin, iyadoo aan wax guuldarro ah dhadhaminin tan iyo 23-kii Diseembar ee sanadkii tegey oo ay 2-0 uga badisay Atalanta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close