“Waxaa nala moodaa MATAANO marka meel fog nalaga arko, Laakiin shaki la’aan anigaa ka Qurux badan.”.

(Manchester) 24 Feb 2017. Oleksandr Zinchenko ayaa sheeganaya in Taageerayaasha Manchester City ay ku qaldaan caawiyaha ugu sarreeya Premier League ee Kevin De Bruyne.

Daafaca reer Ukraine ayaa soo jabsaday safka hore ee kooxda Guardiola iyadoona lagu wado inuu ku soo bilowdo kulanka berito ee Arsenal maadaama uu maqan yahay Fabian Delph.

21- jirka oo ka sheekeynaya sida ay Taageerayaasha ugu qaldaan De Bruyne oo ay Tinta uun isaga eg yihiin ayaa yiri:

“Markasta ayaan maqlaa midaa i aamina.

“Qofkasta wuxuu iigu yeeraa ‘Kev’, marka aan Baska korayo, Taageerayaasha waxay ku qeyliyaan ‘Kev, Sawir makula gali karaa?’ intaa kaddib markaan soo jeesto waxay leeyihiin ‘Oh, ma ahan Kevin.’.

“Meel fog marka nalaga arko waxaan u muuqanaa Mataano, Laakiin markaan wada joogno u maleyn maayo.

“Shaki la’aan anigaa ka qurux badan isaga.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close