Mohamed Salah oo sameeyay Rikoorro aan looga horayn horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kaan

(Liverpool) 24 Feb 2018 Mohamed Salah ayaa sii wada bandhigiisa wacan ee xiliciyaareed kaan uu ku soo bandhigayo kooxdiisa Liverpool.

Weerar yahanka reer Masar ayaa gool u dhaliyay caawa kooxdiisa Liverpool isaga oo caawiyay midkale kulan ay 4-1 uga adkaadeen West Ham United.

Mohamed Salah ayaa sidaas ku noqday laacibkii ugu horeeyay xiliciyaareed kaan ee ku lug yeesha 31-gool horyaalka ingiriiska.

Salah ayaa dhaliyay 23-gool, wuxuuna caawiyay 8-gool horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kaan, sidaas ayuuna ku noqday laacibkii ugu horeeyay ee ku lug yeesha tiro goolal iyo caawin intaas la eg.

Sidoo kale, laacibka ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay taariikhda Premier League ee 20-gool ku dhaliya lugta bidix hal xiliciyaareed.

25 jirkaan ayaa sidoo kale soo barbareeyay Harry Kane oo haatan ay hogaanka gool dhalinta horyaalka kuwada haayaan min 23-gool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close