HORDHAC: Real Madrid vs Alaves

(Spain) 24 Feb 2018. Real Madrid oo dooneysa inay guulaheeda sii wadato ayaa soo dhaweyneysa naadiga Alaves.

Wararka Labada dhinac:

Cristiano Ronaldo iyo Keylor Navas ayaa lagu wadaa inay dib u soo laabtaan kaddib markii la nasiyay kulankii Leganes.

Laakiin waxaa shaki la’aan kalanka dhaawac ku seegi doona Toni Kroos, Luka Modric iyo Marcelo, sidoo kale waxaa ganaax ku maqnaan doona Kabtan Sergio Ramos.

Marco Asensio ayaa seegay tababarkii subaxa jimcaha maadaama uu aaday Dhakhtarka ilkaha, Bale ayaana lagu wadaa inuu booskiisa ka ciyaaro haddii kulanka laga reebo.

Xiddigii hore ee Barcelona Munir El Haddadi ayaa ganaax uga maqnaan doona naadiga Alaves kaddib markii uu qaatay Jaalihii Shanaad.

Hector Hernandez iyo Carlos Vigaray ayaa iyana shaki laga muujinayaa taam ahaanshahooda.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Real Madrid vs Alaves (La Liga)

Goobta: Estadio Santiago Bernabeu

Goorta: 6:15 Fiidnimo

Garsoorka: Xavier Estrada (Spain)

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Real Madrid lagama adkaan 11 kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga ay la ciyaarto Alaves, waxay guuleysatay 10-kulan iyadoo sideeda dambe ay xiriir ahaayeen, waxyna isku cel celis kulankiiba ka dhalisay 3.5.

Alaves ayaa guulo gaartay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay La Liga balse weligeed afar kulan oo xiriir ah ma adkaan tartankan.

Kooxda Basque ayaa ka mid ah saddexda kooxood ee La Liga uu Cristiano Ronaldo ku wajahay gegada Santiago Bernabeu balse uusan marna gool uga dhalin sidoo kale Leganes iyo Tenerife.

Ibai Gomez ayaa saddex gool ka dhaliyay Real Madrid horyaalka La Liga, Waana mid ka mid ah kooxaha uu ka helo tartankan sidoo kale Girona iyo Villarreal.

Safafka Macquulka ah ee Real Madrid vs Alaves:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close