“Dabaal miyaad ii moodeen markii Willian aan keydka galin jiray?” – Tababare Conte oo si layaab leh u hadlay

(London) 24 Feb 2018 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ka hadlay inuu kulan walba ku soo bilaabayo laacibkiisa Willian oo markii hore uu keydka galin jiray.

Willian ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii Chelsea ay barbaraha la gashay Barcelona, waxaana su’aal laga keenay sababta markii hore keydka loo galin jiray.

Ka hor kulanka barri ee Manchester United ayaa la waydiiyay tababare Antonio Conte inuu keydka u celinayo markale Willian, wuxuuna yiri:

“Waan ogahay inaan sameeyay go’aan cajiib ah markii Willian aan ku soo bilaabay kulankii Barcelona, ma waxaad rumaysantihiin inaan dabaal ahaa markii aan keydka galin jiray?”.

“Mar walba waxaan isku dayaa inaan qaato go’aan u wanaagsan kooxda, haddii uu jiro laacib u qalma inuu boos joogto ah helo waa uu helayaa, laakiin taasi waxay dhacaysaa oo kaliya marka isbuuca oo dhan uu isku muujiyo tababarka, isla markaana uu soo muujiyo rabitaan badan oo ah inuu soo bandhigo wax walba oo karaankiisa ah”.

“Wixii intaas ka soo hara, waa suurogal laacib walba inuu fariisto keydka ama xitaa in tarabuunka la saaro”.

Hadalka tababaraha ayaa u muuqda mid uu digniin ugu dirayo Willian, si uu u dadaalo haddii uu doonayo inuu boos joogto ah ka helo Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close