Cristiano Ronaldo oo soo barbareeyay Lionel Messi (Labada laacib waa isku goolal xiliciyaareed kaan)

(Madrid) 24 Feb 2018 Xiddiga reer Portugal ayaa u muuqda mid dib u soo ceshanaya qaab ciyaareedkiisa kadib bilowgii xiliciyaareed kaan oo uu si xun ku bilowday.

Cristiano Ronaldo ayaa caawa dhaliyay 2-gool, kulan kooxdiisu ay 4-0 uga adkaatay kooxda Alaves, wuxuuna sidaas ku gaaray goolkiisii 28-aad ee xiliciyaareed kaan.

Ronaldo ayaa soo barbareeyay Lionel Messi oo haatan ay wada leeyihiin min 28-gool tartamada oo dhan, balse Cristiano ayaa goolashaas ku dhaliyo kulamo ka yar inta uu ku dhaliyay Messi.

Messi ayaa ciyaaray xiliciyaareed kaan 38 kulan, wuxuuna dhaliyay 28-gool, halka Ronaldo uu ciyaaray 31 kulan wuxuuna dhaliyay 28 gool tartamada oo dhan.

Waxaa xusid mudan in Messi uu ka sara mari karo caawa Ronaldo kulanka goor dhaw kooxdiisu ay marti qaadi doonto Girona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close