“Nagu aadiya Arsenal” – Laacib aad ugu dhaarsan inuu Europa League ku wajaho Gunners

(London) 23 Feb 2018 Arsenal ayaa xalay u soo gudubtay wareega 16-ka ee koobka Europa League inkasta oo ay guul daro 2-1 kala kulantay kooxda Ostersund.

Weerar yahanka kooxda Zenit ee Aleksandr Kokorin ayaa doonaya in kooxdiisu ay wareega 16-ka ku wajahdo kooxda tababare Wenger oo aad u jilicsan.

Zenit ayaa reebtay xalay kooxda Celtic oo labadii lug ay uga soo baxday goolal gaaraya 3-1, Aleksandr Kokorin ayaana gool u dhaliyay xalay kooxdiisa.

26 jirka reer Ruush ayaa la waydiiyay kooxda uu jecelyahay inuu ka hortago wareega 16-ka ee Europa League, wuxuuna yiri:

“Waxaan rumaysanahay inay fiicantahay inaan ka hortagno kooxo xoogan si aan u tijaabino nafteena, nagu aadiya Arsenal”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close