Man City oo wayn karta laacib muhiim ah kulanka Arsenal iyo tababare Pep oo ka hadlay

(London) 23 Feb 2018 Tababare Pep Guardiola ayaa wajahaya dhibaato marka uu ka hortago Arsenal axada kulanka Final-ka League Cup-ka.

Caafimaad qabka Raheem Sterling ee kulanka Arsenal ayaa shaki laga qabaa, laacibka ayaana seegay kulankii Man City looga reebay FA Cup-ka isbuucaan.

Tababare Pep Guardiola oo ka hadlay arinta laacibkiisa Raheem Sterling ayaa sheegay inuusan kala ogayn in laacibku uu diyaar u yahay kulanka axada iyo inkale.

Image result for raheem sterling pep guardiola

“Raheem Sterling dhibaato dhanka muruqa ah ayuu qabaa, mana garanayo inuu ciyaari karo kulanka Final-ka iyo inkale” ayuu yiri tababaraha reer Spain.

Sidoo kale, wuxuu shaki galiyay in Gabriel Jesus uu taam u noqon karo kulanka Arsenal, wuxuuna yiri:

“Barri ayaan arki doonaa inuu taam noqon karo, kani waa tababarkiisii 3-aad ee kooxda, wax walbana sifiican ayeey ku socdaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close