LAYAAB: Sac dhaawacay laacib ciyaara kubadda cagta!!!

(Scotland) 23 Feb 2018 Sac ayaa dhaawac halis ah u gaystay goolhayaha kooxda Queen of the South ee dalka Scotland kaas oo lagu magacaabo Sam Henderson.

19 jirkaan ayaa loo soo dalacsiiyay isbuucyo ka hor kooxda koowaad kadib markii uu dhaawacmay goolhayaha koowaad ee kooxda.

Balse kooxda ayaa wajahaysa dhibaato kulanka ay la ciyaarayaan barri maqribnimadii kooxda Dunfermline, maadama aysan haysan labadii goolhaye ee ay ku tashanaysay.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in Sac uu garabka jug xoogan uga gaystay Sam Henderson xili uu joogay xearada Lo’da ee qoyskiisa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Sac ordaya oo aan la ogayn waxa uu ka cararayay uu jug xoogan garabka uga gaystay goolhaye Sam Henderson kaas oo aan wax tababar ah la qaadan kooxdiisa isbuucaan.

“Sam waa uu seegay tababarkii kooxda ee isbuucaan kadib markii Sac uu u gaystay jug xoogan, dhaawaca ayaa halis sii noqon lahaa kadib markii Lo’du ay markale dhinaciisa u soo carartay balse waa uu ka wareegay” ayaa lagu yiri warbixinta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close