Juventus oo qiimo jaban kula wareegi karta Paul Pogba (Waa meeqa?)

(Manchester) 23 Feb 2018 Wargayska L’Equipe ee dalka France ayaa daaha ka qaaday qodob ku jira heshiiskii Juventus ay uga iibisay Paul Pogba kooxda Manchester United.

Heshiiska ay isla gaareen labada kooxood waxaa ku jira qodob dhigaya in Juventus ay kula wareegi karto Paul Pogba lacag dhan 60 milyan oo euro oo ah qiimo ka jaban qiimihii ay uga iibisay United.

Manchester United ayaa 105 milyan oo euro ku soo qaadatay Paul Pogba xaggaagii 2016, markaas oo kooxdu ay saxiixiisa uga adkaatay Real Madrid.

Paul Pogba iyo tababare Mourinho ayaa haatan si xoogan isugu dhacsan taas oo keentay in la faafiyo warar sheegaya in laacibku uu ka tagayo Manchester United.

Juventus ayaa haysata fursad fiican oo ay dib ugu la wareegi karto Paul Pogba laakiin waxay caqabad wayn kala kulmaysaa mushaarka laacibka oo ah 12 milyan oo euro sanadkii.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close