“Haatan ayaan ka soo baxay Masjidka” – Paul Pogba oo soo duubay muuqaal

(Manchester) 23 Feb 2018 Xiddiga Manchester United ee Paul Pogba ayaa soo dhigay bartiisa Instagram-ka muuqaal uu ku muujinayay inuu ka soo baxay salaadii jimcaha ee maanta.

Paul Pogba ayaa soo dhigay muuqaal uu ku sheegayo inuu markaas ka soo baxay Masjidka isla markaana uu la yaaban yahay qoraxda ka jirta magaalada Manchester.

Wuxuu sheegay in maanta ay tahay maalin cajiib ah isla markaana uu dareemayo dareen aad u sareeya kadib markii uu soo dukaday salaadii jimcaha.

“Goor dhaw ayaan ka soo baxay Masjidka, alla muxuu yahay dareen wayn, waa maalin cajiib ah” ayuu yiri Paul Pogba.

“Waxaad moodaa inay wax qaldanyihiin, suurogal ma ahan in Manchester ay sidaan qorax u ahaato, jawigu waa cajiib, Manchester aad ayeey cajiib u tahay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close