Darmian oo ku biiraya Juve

(Turin) 23 Feb 2018. Matteo Darmian waxaa lagu wadaa in uu ku biro Juventus xagaaga kaddib markii ay heshiis gaareen labada dhinac.

28 jirka waxa uu boos joogta ah ka waayey Old Trafford waxaana barakiciyey Antonio Valencia.

Juventus ayaa bishii hore isku dayday in ay Turin ku celiso xiddigga balse Mourinho ayaa ku adkeystay hallka ay iyaguna xiisahooda sii xejiyeen.

Majaladda ka soo baxda Italia ee Corriere dello Sport waxa ay qortay in wax walba ay laba kooxood dhammeeyeen.

Kulankii ugu dambeeyey ee uu Darmian u safto United waxa uu ahaa Yeovil Town.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close