Booliska oo Labo jeer Baaray Diyaarad Gaar ah oo siday Guardiola…(Maxaa lagu heystaa??)

(Europe) 23 Feb 20118. Booliska ayaa Baaritaano ugu dhaqaaqay Dayuurad gaar ah oo siday macallinka Manchester City Pep Guardiola kaddib markii ay ka soo degtay Garoonka diyaaradaha ee El Prat ee ku yaala magaalada Barcelona.

Diyaarada ayaa waxaa laga baarayay Siyaasiga Carles Puigdemont oo dalka ka baxsaday.

Hogaamiyihii hore ee Catalan ayaa u baxsaday dalka Belgium sanadkii tagay kaddib codkii loo qaadayay Gobolka Catalonia oo doonaya inuu gooni isku taago.

Josep Guardiola

Puigdemont ayaa la xiri doonaa haddii uu cag soo dhigo cariga Spain.

Sida uu sheegayo Catalunya Radio, markii uu Guardiola dib ugu soo laabtay Barcelona axadii, sarakiil ayaa baartay Dayuuradiisa Gaarka ah inkastoo ay saarnaayeen xaaskiisa iyo caruurtiisa oo qura.

La Vanguardia ayaa iyana sheegaya in Khamiistii sidoo kale la baaray diyaarada macallinka Man City mar ay ku soo laabatay barcelona inkastoo ay wararka intaa ku darayaan in baaritaanada dambe ay ahaayeen kuwa caadi ah lamana garanayo haddii reerkiisu saarnaayeen diyaarada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close