Bayern Munich oo ku ciriirinaysa Real Madrid saxiixa Mohamed Salah

(Munich) 23 Feb 2018 Bayern Munich ayaa qayb ka noqotay kooxaha xiisaynay saxiixa weerar yahanka Liverpool ee Mohamed Salah sida ay baahisay Express.

Kooxda reer Jarmal ayaa qorshaynaysa inay ka dhigato Mohamed Salah badalka laacibka reer Holland ee Arjen Robben kaas oo la filayo inuu ka tago kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Qandaraaska Robben ee Bayern Munich ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, laacibka ayaana dalabyo kala duwan ka helaya horyaalada Maraykanka iyo Shiinaha.

Bayern Munich ayaa si wayn u galaysa suuqa  kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kaan, waxayna qorshaheeda ku darsatay saxiixa Mohamed Salah.

Weerar yahanka reer Masar ayaa diirada u saaran Real Madrid, waxaana la filayaa in labada kooxood ay ku dagaalami doonaan saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close