Real Madrid oo go’aansatay inay iska fasaxdo Gareth Bale

(Madrid) 22 Feb 2018 Real Madrid ayaa go’aan ka gaartay mustaqbalka Gareth Bale kaas oo waqti xun ku qaadanaya garoonka Bernabeu xiliciyaareed kaan.

Idaacada Cadena Cope ayaa baahisay in Maamulka Real Madrid uu go’aan kama danbays ah ka gaaray mustaqbalka Gareth Bale kaas oo ah in laga diro kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Wakiilka Bale ayeey kooxdu u sheegaysaa inuu fasax u yahay inuu wadahadal la gali karo kooxaha doonaya saxiixa xiddigii hore ee Tottenham.

Real Madrid ayaa isku dayday inay iska dirto Bale xaggaagii hore si kooxdu ay u soo iibsato Mbappe balse laacibka qudhiisa ayaa diiday inuu ka tago kooxdiisa.

Bale ayaa haatan ka xanaaqsan inuu keyd ka noqdo kooxdiisa, isaga qudhiisa ayaana go’aansaday inuu ka tago Real Madrid taas oo sii fududaynaysa rabitaanka kooxda ee ah in laacibku uu raadsado koox kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close