RASMI: Sergi Roberto oo heshiis cusub u saxiixay Barcelona (Imisa ayaa lagu burburin karaa)

(Barcelona) 22 Feb 2018 Barcelona ayaa shaacisay inay heshiis cusub ka saxiixday laacibkeeda Sergi Roberto kaas oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya kooxda.

Sergi Roberto ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa Barcelona heshiis gaaraya ilaa 2022, waxaana lagu burburin karaa 500 milyan oo euro.

“Maalin gaar ah ayeey nootahay maanta waayo waxaan heshiis cusub ka saxiixnay laacib muhiim noo ah, waxaan ku dadaalaynay sidii Sergi Roberto uu noola sii joogi lahaa” ayuu yiri madaxwaynaha kooxda.

“Sergi Roberto laacib safka hore ah ayuu ka noqday Barcelona, dhamaanteen waan xusuusanaa goolkii uu ka dhaliyay PSG iyo kubaddii uu la dhex qaaday Real Madrid kulankii El Clasico”.

Sergi Roberto oo ka hadlay heshiis kordhintiisa ayaa yiri:

“Waxaan doonayaa inaan sameeyo wixii ay sameeyeen Iniesta iyo Messi kuwaas oo waqtigooda ku qaatay Barcelona”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in xirfadayda aan ku soo afjaro Camp Nou”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close