Laacib ka tirsan Barcelona oo aaminsan in PSG ay Champions League ka saari doonto Real Madrid

(Barcelona) 22 Feb 2018 Laacib ka tirsan Barcelona ayaa rumaysan in PSG ay Champions League ka ciribtiri karto Real Madrid xiliciyaareed kaan.

Real Madrid ayaa 3-1 uga soo adkaatay PSG kulankii lugta hore ee lagu ciyaaray Bernabeu, bilowga bisha 3-aad ayeeyna ku kulmi doonaan caasimada faransiiska.

Sergi Roberto ayaa rumaysan in soo bixida PSG aysan ahayn wax aan dhici karin, wuxuuna Real Madrid xusuusiyay guul daradii 4-0 ee sanad ka hor PSG ay garoonkeeda ugu gaysatay Barcelona.

Image result for Sergi Roberto PSG

“Natiijo ka xun mida Real Madrid ay haatan ku badisay ayeey noo suurogashay inaan dhanka kale u rogno (4-0) PSG waa ay awoodaa inay dhanka kale u rogto natiijadii 3-1 ee Real ay ka gaartay” ayuu yiri Sergi Roberto.

Wuxuu ka hadlay goolkii xusuusta lahaa ee uu ka dhaliyay PSG, wuxuuna yiri:

“Goolkii aan ka dhaliyay PSG waxyaabo badan ayuu badalay, waqti fiican ayuu ahaa, marwalba waan soo xasuusan doonaa goolkaas waayo dadka ayaa aniga igu xasuusanaya”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close