Ciyaartoyda Real Madrid oo dalbaday saxiixa laacib ka ciyaara Premier League

(Madrid) 22 Feb 2018 Ciyaartoyda kooxda Real Madrid ayaa dalbanaya saxiixa laacib ka ciyaara horyaalka ingiriiska si loo keeno kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Shabakada Don Balon ayaa daaha ka qaaday in ciyaartoyda Real Madrid ay dalbadeen in kooxda la keeno goolhaye David De Gea.

Ciyaartoyda kooxda ayaa la xiriiray Florentino Perez oo ah madaxwaynaha Real Madrid waxayna ka codsadeen inuu kooxda ka diro goolhaye Navas isla markaana uu soo iibsado De Gea.

Real Madrid ayaa 2015 ku fashilantay inay dhamaystirto saxiixa David De Gea, laakiin wali wuxuu ku jiraa qorshaha kooxda boqortooyada Spain.

David De Gea ayaa kamid ah goolhayeyaasha haatan ugu fiican kubadda cagta, dalabka ciyaartoyda Real ayaa imaanaya kadib qaab ciyaareedkii wacnaa ee De Gea uu xalay kala hortagay Sevilla.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close