AC MILAN VS LUDOGORETS: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

(Milano) 22 Feb 2018 – Kooxda AC Milan oo lugtii hore si xarrago leh ugu soo badisay xaafadda Ludogorets ayaa doonaysa inay kaliya xafidato natiijadaas, iyadoo ku xisaabtamaysa kulamada adag ee kaga soo fool leh dhanka horyaalka.

Dhanka Milan: Macallin Gattuso oo u muuqda mid ujeedkiisii ka gaarey ciyaartii hore ee ay 3-0 kusoo badiyeen ayaa doonaya inuu kaydsado oo nasiyo inta badan laacibiinta kooxda si ay ugasoo baxaan kulamada horyaalka iyo Coppa Italia. Waxaa boosas helaya Abate, Montolivo, Locatelli, André Silva, Borini iyo Cutrone. Goolka waxaa ku jira Antonio Donnarumma.

Dhanka Ludogorets: Macallin Dmitrov ayaa sheegaya in aysan sahlanayn inay ciyaartan kusoo noqdaan maaddaama buu yiri ay Milan tahay koox adag, balse wuxuu sheegay inay San Siro u iman doonaan inay kubad dheelaan, waxaana garoonka iman doona taageerayaal badan oo Bulgarian ah. Shaxdu waa isla middii hore ee 4-2-3-1.

KAYDKA

  • 99 G. DONNARUMMA, 19 BONUCCI, 21 BIGLIA, 5 BONAVENTURA, 10 CALHANOGLU, 8 SUSO, 7 KALINIC
  • 1 BROUN, 5 TERZIEV, 2 FORSTER, 10 CAMPANHARO, 44 GORALSKI, 93 MISIDJAN, 70 SWIERCZOK

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Conti, Storari, Musacchio, Antonelli e Calabria
  • Stoyanov

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close