“Runta ayaa waxay tahay in Ciyaartoyda dhan ay ku wada jiraan Hooska Messi.”.

(Europe) 21 Feb 2018. Rugcdaagii hore ee Arsenal Thierry Henry ayaa qaba in ciyaartoyda oo dhan ay ku wada jiraan hooska Lionel Messi.

Neymar ayaa la sheegay inuu Barcelona uga tagay sidii uu uga bixi lahaa Hooska Messi balse laacibka reer France ayaa ku wargaliyay Neymar inuu weligiis ku hoos jiri doono Hooska Messi ilaamaa uu ciyaaraha badesho mooyee oo uu ciyaaro wax aan ahayn kubbada cagta.

“Ma garanayo haddii uu Neymar uga tagay Barcelona inuu ka boxo hooska Messi,” Henry ayaa sidaa yiri.

“Dhabta ayaa waxay tahay in ciyaartoyda dhan ay kuwa wada jiraan hooska Messi, haddii uu Neymar ka biyo diidsan yahay midaa waa inuu ciyaaraha badeshaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close