HORDHAC: Sevilla vs Manchester United

(Europe) 21 Feb 2018. Manchester United ayaa u safartay Spain si ay lugta hore ee wareega 16-ka Champions League ula soo ciyaarto naadiga Sevilla.

Wararka Labada dhinac:

Man United ayaa dib u helaysa daafacyadeeda Eric Bailly iyo Marcos Rojo, sidoo kale Pogba ayaa dib loo heli karaa kaddib xanuun uu ku maqnaa.

Zlatan Ibrahimovic oo aan ciyaarin tan iyo 26-kii December ayaa dib ugu soo laabtay tababarka balse lama filayo inuu ka soo muuqdo kulanka caawa.

Phil Jones iyo Marouane Fellaini ayaa sidoo kale lagu wadaa inay kulanka seegaan.

Joaquín Correa ayaa lagu wadaa inuu ka maqnaado Sevilla, halka weeraryahankooda Luis Muriel oo dhaawac ka soo kacay dhawaan lagu wado inuu safka hore hogaamiyo.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Sevilla vs Man United (Lugta hore ee wareega 16-ka Champions League)

Goobta: Ramón Sánchez-Pizjuán

Goorta: 10:45 Habeenimo

Garsoorka: Clement Turpin (France)

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Wuxuu noqon doonaa kulankii ugu horreeyay oo tartan rasmi ah ay isku qabtaan Sevilla iyo Manchester United.

Manchester United ma aysan dhalin wax ka badan hal gool 14-kii kulan ee ugu dambeeyay Champions League ay la ciyaarto kooxaha Spain…(Isku dar 7-gool)

Sevilla ayaa markii afaraad soo gaartay wareega bug baxa ee Champions League shan jeer ay ka soo muuqatay tartanka balse weligeed horey uma dhaafin wareega 16-ka, halka Man United ay markii ugu horreysay soo gaartay kulamada Bug baxa tan iyo 2013-14.

Sevilla marna shabaqeeda ma ilaashan kulamada Bug baxa Champions League balse sidoo kale waxay guuleysatay labo ka mid ah saddexdii kulan ay ku ciyaartay mininkeeda (Hal jeer ayaa laga adkaatay)

Sevilla ayaa adkaatay kaliya labo kulan lixdii kulan ay ilaa iminka ciyaartay Champions League kal ciyaareedkan waana kooxda ugu guulaha yar kooxaha isugu soo haray wareega 16-ka.

Manchester United ayaa adkaatay shan ka mid ah lixdii kulan ay ciyaartay wareega group yada, waana guulaheedii ugu badnaa Champions League tan iyo 2007-08.

Sevilla ayaa laga dhaliyay 12-gool lixda kulan ee wareega Group yada, waana kooxda goolasha ugu badan laga xareeyay 16-ka kooxood ee isugu soo haray Champions League

Jose Mourinho ayaa isku dayi doona inuu noqdo tababarihii ugu horreeyay ee Champions League kula guuleysta saddex kooxood oo kala duwan (Kaddib Porto 2004 iyo Inter Milan 2010).

Safafka Macquulka ah ee Sevilla vs Manchester United:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close