Arsenal oo loo sheegay inaysan kali ku ahayn doonista Nabil Fekir

(Lyon) 21 Feb 2018 – Arsenal ayaa looga digey inay dhaqsadaan haddii ay ka hayso helitaanka jookarka Olympique Lyon ee Nabil Fekir.

Kooxda Gunners ayaa OL kala xaajoonaysa inay lacag dhan €50m oo euro ku qaataan laacibkan khadka dhexe ee weerar xigeenka ah iyadoo uu Arsene Wenger doonayo in heshiiska lasoo afjaro.

Wakiilka reer Talyaani ee Fabrizio Ferrari, oo aad ugu dhow maamulka OL – oo uu ku jiro madaxwaynaha Jean Michel Aulas – ayaan la yaabin danaynta Arsenal, balse wuxuu sheegay inaysan ahayn kooxda qura ee xiisaynaysa Fekir.

“Suuq xagaagu weli waa fogyahay, balse waxaa sidoo kale dheer in laacibka lala xiriiriyo Arsenal oo qura, waayo aad baa loo wada xiisaynayaa.” ayuu yiri.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close