Ronaldo oo aan ciyaari doonin kulanka habeen dambe ee Leganes

(Madrid) 20 Feb 2018 Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa go’aansaday inuu nasiyo laacibkiisa Cristiano Ronaldo sida ay baahisay Marca.

Real Madrid ayaa kulamo is daba joog ah la kala ciyaartay kooxaha Real Sociedad, PSG iyo Real Betis, kooxda ayaana guul gaartay dhamaan kulamadaas, Ronaldo ayaana dhaliyay 6-gool.

Tababare Zidane ayaa doonaya inuu ka fogaado in xiddigiisu uu daal dareemo, maadama kooxda uu sugayo kulanka lugta labaad ee PSG.

Image result for Zidane Ronaldo

Xiddiga reer Portugal ayaa laga saarayaa liiska ciyaartoyda Real Madrid ee habeen dambe wajihi doona kooxda Leganes, kulankaas oo ah kulan horay ugu baaqday kooxda tababare Zidane.

Cristiano ayaana dib ugu soo laaban doona safka kooxdiisa kulanka sabtiga ay marti qaadi doonto Real Madrid kooxda Alaves.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close