KA WARRAN HADDII QOF MEEL KAA SOO ERYEY KAA DABA YIMAADO!? Mata oo ka sheekeeyey wixii qabsaday markii uu Mourinho uga daba yimi Manchester United…..

(Manchester) 20 Feb 2018. Juan Mata waxa uu daaha ka rogay In saaxiibadiis iyo qoyskiisa ay walaac ka muujiyeen in uu mar kale ka hoos ciyaaro Jose Mourinho.

Spaniard-ka mushaakil ayuu kala kulmay in uu boos ka helo Mourinho markii ay wada joogeen Chelsea.

Kaliya 11 kulan ayuu Chelsea safkeeda ku soo bilowday kahor inta uusan 2014 soo aadin Manchester United oo uu David Moyes tababare ka ahaa.

Markii uu 2016kii Mourinho la wareegay Old Trafford –qoyska Mata walaac ayey ka muujiyeen.

“Si dabiici ah ayaan u wajahay,” ayuu 29 jirka u sheegay Mundo Deportivo.

“Wa run waxaan helay wicitaanno walaac muujinaya oo ka imaanayey qosykayga iyo saaxiibadey laakiin waan ogaa in aan wax dhib shaqsiyadeed ah aan ku qabn Mourinho markii Chelsea.

“Waxa I guba ayaa ah xanta ay faafiyan iyo beenta ku saabsan wax aan dhicin.”

Mata bandhigyo wanaagsan ayuu ku soo bandhigay garabka middig tan iyo markii ay dib u midoobeen Jose.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close