Aabaha dhalay Andres Iniesta oo sheegay waqtiga wiilkiisu uu ka tagayo Barcelona

(Barcelona) 20 Feb 2018 Aabaha dhalay kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa ka hadlay waqtiga wiilkiisu uu macsalaamayn doono kooxdiisa.

Jose Antonio Iniesta ayaa sheegay in wiilkiisu uu ka tagi doono Barcelona marka uu dareemo inuusan wax badan u qaban karin kooxdiisa.

Mustaqbalka Andres Iniesta ee Barcelona ayaa shaki laga muujiyay gaar ahaan markii kooxdu ay soo iibsatay Philippe Coutinho bishii Janaayo, waxaana jira warar sheegaya in xiliciyaareed kaan uu yahay kiisii ugu danbeeyay.

“Andres Iniesta waa uu ka tagi doonaa Barcelona marka uu dareemo inuusan inbadan ku raaxaysanayn, waxaan rajaynayaa in dhamaan ay fahmaan” ayuu yiri Aabaha dhalay Andres.

“Marka uu go’aansado inuu baxo, waxaan rumaysanahay in dhamaan loowada sacabtumi doono isaga” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close