Zidane oo adeegsanaya “CIA” si uu uga gudbo PSG kulanka lugta labaad

(Madrid) 19 Feb 2018 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa haatan ka sii baaraan dagaya qaabkii uu Champions League uga ciribtiri lahaa xiliciyaareed kaan PSG.

Real Madrid ayaa 3-1 uga adkaatay PSG kulankii lugta hore, balse tababare Zidane ayaa dareensan inay adkaan doonto guul kale oo kooxdiisu ay qaadato kulanka lugta labaad.

Sidaas darteed, wuxuu diyaariyay qorshe loo bixiyay “CIA” si uu uga gudbo kooxda reer France kulanka lugta labaad sida uu baahiyay wargayska Sport.

Image result for cristiano isco asensio

Zidane ayaa diyaarsaday weerar ka kooban Cristiano, Isco iyo Asensio si uu uga adkaado PSG kulanka lugta labaad, “CIA” ayaana ah magacyada 3-daas laacib oo la soo gaabiyay.

Tababaraha reer France ayaa ka quustay BBC kuwaas oo keenay hoos u dhaca haysta xiliciyaareed kaan kooxdiisa, wuxuuna weerarkiisa u badalayaa “CIA”.

Hoos u dhaca Bale iyo Benzema ayaa keenaysa in tababare Zidane uu keydka galiyo kulanka lugta labaad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close