Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Xasan Abuukar Cali

(Muqdisho) 19 Feb 2018Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allaha u naxariistee taageerihii weynaa ee kooxda Horseed Xasan Abuukar Cali oo Muqdisho ku geeriyoodey.

Guddoomiye ku xigeenka  Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa sheegay in xiriirka ay ka  tacsiyeenayaan geerida marxuum Xasan Abuukar oo ahaa shaqsigii bixiyay  magaca Cawa iyo Maalin.

“Anigoo ku hadlaya magaca XSKC iyo kaygaba waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo saaxibadii uu ka geeriyooday taageerahii waynaa naadiga horsed,  Xasan Abuukar Cali  samir iyo iimaan alaha naga siiyo dhamanteen isagana alle qabrigisa ha u qaboojiyo.

Xasan Abuukar Cali waxa uu ahaa Allaha u naxariistee taageere caan ah oo ay lahayd kooxda Horseed waxa uuna ka mid ahaa shaqsiyaadkii  ugu caansanaa dalkeena markii laga hadlo dhanka taageerayaasha.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close