Qoyska Gary Lineker oo imaanshaha Messi ee London uga faa’idaystay inay la kulmaan (SAWIRRO)

(London) 19 Feb 2018 Qoyska Gary Lineker ayaa caawa si gooni ah u boqoday laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo galabta soo gaaray London.

Xiddigii hore ee Barcelona ayaa caawa Hotel-ka ay London ka dagtay kooxdiisii hore ku booqday, laakiin wuxuu diirada saaray Messi oo uu sheegay inuu yahay laacibkii ebid ugu fiicnaa kubadda cagta.

Caruurta uu dhalay Gary Lineker ayaa sawirro la galay xiddiga Barcelona, kaas oo isku diyaarinaya kulanka habeen dambe ee Chelsea.

“Alla maxay farxad tahay, ugu danbayntiina waxaan la kulmay qofka ii ah xiddiga ugu fiican taariikhda kubadda cagta, Leo Messi” ayuu soo qoray Gary Lineker.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close