Peter Crouch oo ka jawaabay dhimasho si jees jees ah loogu saadaaliyay

(Stoke) 19 Feb 2018 Weerar yahanka kooxda Stoke City ee Peter Crouch ayaa ka jawaab celiyay dhimasho si jees jees ah loogu saadaaliyay.

Peter Crouch ayuu dhirirkiisu yahay 2.01 Mitr, wuxuuna ku jiraa weerar yahanada ugu dheer kubadda cagta, taas oo keentay in lagu camirto.

Mid kamid ah taageerayaasha kubadda cagta ee isticmaala Twitter-ka ayaa soo dhigay sawir wax dheer oo laba nin ay jiidayaan, wuxuuna ku soo qoray:

“Nabad ku waar Peter Crouch”, wuxuuna ka dhigayaa waxaas la jiidayo inuu yahay maydka weerar yahanka Stoke City.

Isla laacibka ayaa jawaab ka soo bixiyay sawirkii, wuxuuna soo qoray:

“Waa kaftan oo kaliya waayo lama kulmin dhaawac halis ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close