Maxay ahayd sababtii Conte loogu keenay maaliyaddii Manchester United ee uu saxiixay Mourinho?

(London) 19 Feb 2018. Arin xiiso badan ayaa ka dhacday jimcihii hoolka shirarka jaraa’id ee Chelsea halkaas oo uu Antonio Conte ku jeedinayey hadalkiisa kahor kulankii Hull City!

Tababaraha Chelsea waxaa loo keeay funaanad Manchester United ah oo magaciisa dhabarka ku wadata.

Kaaga darane, waxaa siiyey saxafi reer Talyani ah.

Maxay ahayd ujeedadii ka dambeysay?

Sheekada dhan waxa ay ahayd mid uu curiyey saxafi dhibloow ah oo u dhashay Italy kaas oo soo jeediya barnaamij ka baxa telefishin oo loo yaqaan Le Iene.

Dhawr toddobaad kahor ayaa isla maaliyaddaas loo geeyey Jose Mourinho si uu u saxiixo.

Mourinho, oo ka eegaya dhacada dhinaca kaftanka ayaa saxiixay balse qudhiisa markii laga helay qallinka ayaa la tusay in uu ku qoran yahay magaca Conte!

Mourinho iyo Conte saxaafadda ay gantaallo dacaayad ah isu mariyeen.

Dabcan, Mourinho waxa uu Conte uga horreeyey shaqada Chelsaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close