“Garsooreyaasha wey i neceb yihiin,’ – Costa

(Madrid) 19 Feb 2018. Weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa waxa uu sheegay in ay garsooreyaasha neceb yihiin oo aysan jirin qaab uu aragtidooda ku bedeli karo.

Costa waxa uu shabaqa soo taabtay kulankii Athletic Club balse diwaanka ayaa la galiyey kaddib markii uu dhawr jeer ka dooday go’aano garab dhaaf laga dhigay.

Laacibkii hore ee Chelsea waxa uu aamisan yahay in ay ahayd in uu helo gool ku laadyo balse aan loo dhigin.

“Garsooreyaasha wey I neceb yihiin ma jirto wax aan taas ku bedeli karo,’ ayey ka soo xigatay Diaro AS Costa.

“Qaarkood waxa ay diiwaanka igu galiyaan qodobada kuwa uguyar macno ma keento waxa ay ahayd laakiin kulankii Athletic garsooraha sabab la’aan ayuu jaalle igu siiyey.

“Dib waad u daawan kartaan celiskeeda oo qiimee, laakiin xadka kama gudbin umana qalmin, laakiin ma jirto wax aan hadda ka yeeli karo. Gool ku laadkii? Waxaan qabaa haa dheelitirka ayaa la’iga dilay iyada oo la I jireeyey mar aan doonayey in aan darbo gamo markaa sidaas ayaan qabaa.”

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close