Gareth Bale oo ka caraysiiyay Sergio Ramos kulankii PSG (Muxuu sameeyay?)

(Madrid) 19 Feb 2018 Xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ayaa ka caraysiiyay kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos kulankii PSG.

Barnaamijka El Chiringuito ayaa daaha ka qaaday in Gareth Bale uu u dhaqmay si aan wanaagsanayn kadib markii uu si toos ah garoonka uga baxay ciyaarta kadib isaga oo aan u sacbin taageerayaasha.

Gareth Bale ayaa si toos ah uga baxay garoonka, halka ciyaartoyda kale ee kooxdu ay dabaal dagayeen isla markaana ay u mahadcelinayeen taageerayaashii garab taagnaa 90-ka daqiiqo.

Sergio Ramos ayaa ka carooday falka uu sameeyay Gareth Bale, kamirooyinka garoonka ayaana qabanayay isaga oo u yeeraya Bale xili uu ku sii jeeday qolka dhar badalka.

Bale ayaa badal ku soo galay ciyaarta, waxaana suurogal ah inuu ka caraysnaa inuusan ku soo bilaaban kulanka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close