Cristiano Ronaldo oo xalay aad uga carooday Zidane…(Marcelo ayaa sabab u ah!!)

(Madrid) 19 Feb 2018. Cristiano Ronaldo ayaa la warinayaa inuu u carooday tababare Zidane kaddib dhaawicii xalay gaaray Marcelo ciyaartii ay 5-3 uga adkaadeen Real Betis.

Daafaca reer Brazil ayaa iminka shaki wayn laga muujinayaa inuu taam u noqon karo kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League ay Paris kula ciyaari doonaan PSG 15 maalmood kaddib.

Lama garanayo ilaa iminka inta uu la egyahay khatarta dhaawaca gaaray Marcelo balse Don Balon ayaa soo jeedinaya inuu noqon karo mid xun.

Warsidaha ayaa intaa ku daraya in Ronaldo uu Zidane uga carooday inuu khatar galiyay daafaca reer Brazil xilli uu ku soo dhibtooday kulankii lugta hore ee PSG.

Xiddiga reer Portugal ayaa qaba in saaxiibkii Marcelo aad loo isticmaalay xilli ciyaareedkan ayna ahayd in la nasiyo.

Yeelkeede Zidane oo ka hadlaya dhaawaca Daaficiisa ayaa yiri:

“Waxaan rajeynayaa inuusan ahayn dhaawac daran.

“Marcelo wuxuu noo sheegay inuu dareemayo in dhaawacu uusan aad u darnayn.

“Yeelkeede, Waa inaan sugnaa tijaabooyinka caafimaad ka hor inta aynaan wax xaqiijin.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close