“Waxaa harsan 90-daqiiqo oo lagu kala bixi doono” – Edinson Cavani oo u dhaarsan Real Madrid

(Paris) 18 Feb 2018 Weerar yahanka kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa u dhaarsan Real Madrid oo 3-1 uga soo adkaatay kulankii lugta hore.

Edinson Cavani ayaa xalay laba gool u dhaliyay kooxdiisa PSG kulan ay marti qaaday Strasbourg, waxayna uga adkaadeen 5-2.

Cavani ayaa rumaysan inay harsan tahay 90-daqiiqo oo lagu kala bixi doono kulanka lugta labaad ee ay marti qaadi doonaan Real Madrid.

Image result for Cavani Real Madrid

“90-daqiiqo ayaa wali harsan oo wax walba lagu badali karo, waa inaan sii wadnaa shaqadeena, waana in aanaan fiirin wixii aan ka soo gudubnay” ayuu u sheegay Canal+.

“Jawigeenu iskuma aadanayn kulankaas taasina waa dabiici, waa inaan iska hilmaanaa wixii hore, waana inaan wadnaa shaqada nalooga baahanyahay oo aan u shaqayno sida hal koox”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close