“Waan sugi la’ahay kulanka Barcelona” – Eden Hazard

(London) 18 Feb 2018 Kubadd abuuraha kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa ka hadlay kulanka lugta hore ee kooxdiisu ay marti qaadi doonto Barcelona.

Eden Hazard ayaa sheegay inuu sugi la’yahay kulanka Barcelona maadama ay u noqonayso markii ugu horaysay ee Barca uu ku wajaho koobka horyaalada yurub.

Wuxuu intaa ku daray inuu aad ugu xiiso qabo inuu ka hortago mid kamid ah kooxaha ugu fiican adduunka, wuxuuna yiri:

“Waan sugi la’ahay in badan kulanka Barcelona” ayuu yiri Eden Hazard oo ka hadlay kulanka lugta hore ee wareega 16-ka koobka horyaalada yurub.

“Kuma jirno waqtigii noogu xumaa, wax walba ayaan soo bandhigi doonaa kulankaas, taxadarka ciyaartoydu wuxuu ahaan doonaa 200%, haddii aadan sidaas samayn waalagu reebayaa”.

“Wali Champions League ugama hortagin Barcelona, aad ayaan ugu xiiso qabaa inaan ka hortago mid kamid ah kooxaha ugu fiican adduunka, sidoo kale dhamaan ciyaartoyda ayaa u xiiso qaba”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close