UGA DAYO: Shan CASHAR oo nolosha ah, mudan in looga daydo Ronaldo

(Madrid) 17Feb 2018. Cristiano Ronaldo waxa uu tusaale u yahay malaayin da’yar iyo kuwo waa weyn ah – gaar ahaan kubadda cagta.

Portugal-ka lam soo koobi karo guulaha uu ka gaaray mihnadda kubadda cagta.

4 Champions League, Premier League-yo, La Liga-yaal, Del Rey-yo, Super Cup-yo, FA Cup, Ballon D’Or yo iyo sii wad!

Haddaba, wadnaha Real Madrid, ka baro oo uga dayo shantan cashar ee nolosha ah!

1….Hibadu waxba ma aha dadal la’aan

Cristiano Ronaldo waa tuusaalaha kowaad ee dadka ku guuleystay SHAQADA ADAG/DADAALKA.

2…..Dhaqanka billaa is dhiibidda ah

Ronaldo ma aha ciyaryahan niyad jaba oo is dhiiba – Tusaale, Lionel Messi ayaa ku dul qaaday 4 Ballon d’Or, balse wuu soo qabtay!

3……….Dabacsananta iyo damqashada

Cristiano waxaa uu hormuud u yahay shaqsiyaadka caanka ah ee naxariista lagu yaqaan, caawinta Falastihiin, qaxootiga, kuwo tamarta yar iyo u nuglaanshaha jamaahiirtiisa.

4……….Qadarinta kuwa la xirfadda ah iyo qoyskiisa

Xiddigga Real Madrid waxa mid aad u xushmeeya xirfadlayaasha la mid ah, tusaale, Lionel Messi oo ay is xifaaliyaan wuu u istaagaa xusmad darteed, mana dhalleeceeyo – xittaa waxa uu qiray in wiilkiisa uu jecelyahay! Qoyskiisa xiriir aan la jabin karin ayaa kala dhexeeya!

5………..Awoodda loogu adkeysto eedeynta/dhalleceynta

Saxaafadda, kuwa ka soo horjeeda iyo taageereyaasha kooxaha kale midna waxba uma reeban – hase ahaatee, kama ficil qaato, xog ayuuse ku aamuusiyaa!

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close