Isku dhac wayn oo Qolka dhar-badelashada ku dhex maray Mourinho, Pogba iyo waliba…..!!!!!!

(Manchester) 17 Feb 2018. Qalalaaso xoogan ayaa ka dhex taagan qolka dher badelashada Manchester United sida ay daaha ka rogtay The Sun.

Jose Mourinho ayaa weerar daran ku qaaday Paul Pogba iyo daafaca reer England ee Phil Jones kaddib guul daradii 1-0 ay kala kulmeen Newcastle United axadii la soo dhaafay.

Pogba ayaa kulankii xalay ee FA Cup ay Man United ugu soo gudubtay sideed dhammaadka kaddib markii ay 2-0 uga adkaatay Huddersfield looga reebay xanuun aan la shaacin nuuciisa.

Halka Jones uu isna seegay kaddib markii uu sheegay inuusan taam u ahayn kulanka.

 The French midfielder has come under fire from fans and pundits in recent weeks

Jimcihii Special One wuxuu sheegay in laacibka ugu qaalisan kooxda ee Pogba uu ciyaari doono.

Balse mar shalay wax laga waydiiyay xanuunka uu sheeganayo laacibka ayuu sheegay inuusan dan iyo heelo ka lahayn isla markaana uusan garaneyn goortuu soo laabanayo isagoona intaa raaciyay inuu ka fikiri doono xaaladiisa kulanka kaddib.

Mourinho ayaa ku eedeeyay Pogba inuu yahay mid aan feejigneyn kaddib markii uu badelay ciyaartii Newcastle United.

 The former Blackburn defender has featured in 21 Premier League games this season

Jones iyo laacibkii hore ee Juventus ayaa aad ula yaaba hadalada kul kulul ee aflagaadada xambaarsanaa ee ka soo baxayay afka macallinka reer Portugal.

Ilo wareed laga helay Newcastle ayaa lagu yiri:

“Mourinho aaduu u careysnaa – qofkasta ayaa maqlayay isagoo ku qeylinaya Pogba iyo Jones.

“Sida cad wuxuu aaminsanaa isaga inay canaanta ku fiicnaan doonaan balse cadaadis ayaa sii korayay iyaga.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close