“Waxaan iska diiday inaan tababare u noqdo Real Madrid iyo Barcelona” – Wenger oo si maldahan ugu sheegay Arsenal inay buuqa ka dhaafto

(London) 17 Feb 2018 Tababaraha reer France ayaa xaqiijiyay inuu iska diiday dalabyo badan oo uga yimid kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Warkaan ayaa imaanaya xili ay soo bexeen warar sheegaya in Arsenal ay qorshaynayso inay iska dirto Arsene Wenger dhamaadka xiliciyaareed kaan haddii kooxdu ay ku fashilanto u soo bixida Champions League.

68 jirka reer France ayaa sheegay in Arsenal iyo taageerayaasheeda dartood uu isaga diiday fursad uu ugu dhaqaaqi lahaa kooxaha ugu fiican adduunka.

“Waxaan iska diiday dalabyo waa way sanadihii la soo dhaafay Arsenal iyo taageerayaasheeda dartood” ayuu yiri tababare Wenger.

“Waa inaan hormar samaynaa oo aan is hagaajinaa kulan walba, marka aad tababare u tahay koox wayn sida Arsenal oo kale, waa inaad soo bandhigtaa wax walba oo karaankaaga ah si aad u xaqiijiso hamiga taageerayaasha”.

Wenger oo ka hadlay inuu iska diiday dalabyo uga yimid Barcelona iyo Real Madrid ayaa yiri:

“Waa sax, Maya ayaan iri kooxaha ugu fiican adduunka aniga oo ixtiraamaya heshiiskeyga Arsenal, taas ayaana dhacaysa haatan, waan dhawri doonaa heshiiskeyga ilaa xaggaaga dambe (2019)”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close