Taageerayaasha Chelsea oo ku booriyay tababare Conte inuu adeegsado taatikadaan kulanka Barcelona

(London) 17 Feb 2018 Chelsea ayaa xalay guul wayn ka gaartay kooxda Hull City oo marti u ahayd, taageerayaasha ayaana dalbanaya in tababare Conte uu ku soo galo isla taatikadii xalay kulanka Barcelona.

Taageerayaasha Chelsea ayaa baraha bulshada ku muujiyay sida ay ugu qanacsanyihiin taatikada ah 3-4-3 oo xalay ay ku ciyaaraysay Blues.

Tababaraha reer talyaani ayaa markii hore ciyaari jiray 3-5-2 taas oo kooxda lagu fahmay, balse taageerayaasha ayaa haatan doonaya in shaxda kooxda loo badalo 3-4-3 taas oo keenaysa in kooxdu ay ku sarayso dhanka qadka dhexe iyo weerarka.

Image result for Hazard Willian Pedro

Antonio Conte ayaa xalay ciyaarsiiyay weerarkiisa Willian, Giroud iyo Pedro, balse taageerayaasha ayaa dalbanaya in weerarka kooxda laga dhigo kulanka Barcelona Willian, Hazard iyo Pedro.

Chelsea ayaa talaadada marti qaadi doonta kooxda Barcelona lugta hore ee wareega 16-ka ee koobka horyaalada yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close