Netflix oo Juventus ka samaysay dokumenteri ay 110 milyan maanta daawan doonaan (Daawo boorsamiindada)

(Torino) 17 Feb 2018 – Juventus ayaa sharraxaad ka bixisay sida ay ugu hirgashay inay Netflix iyaga u doorato barnaamij dokumenteri ah oo ay ka sameeynayaan kooxdaasi, kaasoo magaciisu yahay Juventus: First Team, isla markaana 3-diisa qaybood ee ugu horreeya maanta caalamka loosii dayn doono. “Waxay ka heleen sheekadeenna.” ayay tiri Juventus.

“Netflix iyadaa nasoo raadsatey, maaddaama ay doonayeen inay dokumenteri ka sameeyaan dunida kubadda cagta, waxayna qiimeeyeen dhowr dhinac, waxay xiiseeyeen sheekadeenna, kaddibna waxaannu ogolaansho u siinnay inay naga duubaan,” ayuu yiri madaxa dakhliga ee Juventus jaalle Federico Palomba oo la hadlayay juvenews.eu.

“Waxay Netflix nooga yimaadeen Maraykanka iyagoo na duubayay intii u dhaxaysay bartamihii Agoosto ilaa bartamihii Diseembar. Maalin kasta wax may duubaynin, balse badanaa way nala joogeen min xerada tababarka, safarrada dibedda, iyagoo xitaa xaaladaha ay adag tahay in nalala qaybsado sida xilliga uu macallinku bixinayo xiisadaha dhanka taatikada ah iyo jiimka.” ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay inay sidoo kale duubeen xaaladaha nololeed ee laacibiinta qaar sida iyagoo suuqa kasoo adeeganaya, carruurtooda iskuullad gaynaya ama kasoo qaadaya iwm.

“Lacag kuma saabsanayn, balse waxaa qiime noo leh in nalaku baahiyo muuqaal ay daawanayaan 110 milyan oo qof, kuwaasoo kala bar ay Maraykan yihiin, waa fursad aannu ku kasban karno taageerayaal cusub.” ayuu ku dhameeyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close