Mourinho oo Weerar ku ah kooxdiisii hore ee Real Madrid…(Labo laacib oo waa wayn midkood ayuu ka doonayaa)

(Manchester) 17 Feb 2018. Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in xagaagan uu la soo saxiixan doono xiddig kaga ciyaara qadka dhexe.

Manchester United ayaa waxaa ku yaraan doona dooqeeda qadka dhexe maadaama la filayo inuu ciyaaraha isaga fariisto Michael Carrick halka Marouane Fellani lala xiriirinayo inuu isaga huleelo gegada Old Trafford.

Warsidaha Express ayaa warinaya in Mourinho uu doonayo inuu weeraro kooxdiisii hore ee Real Madrid si uu ula soo wareego midkood Luka Modric ama Toni Kroos.

“Waxaan u baahannahay inaan la soo saxiixano laacib ka ciyaara qadka dhexe waayo waxaan lumin doonnaa Michael Carrick,” Jose ayaa sidaa yiri.

“Dabcan, waxaan u baahnnahay isku dheeli tirnaan. Waan idin sheegay bil ama labo bilood ka hor markii aan ka hadleynay arrimaha Suuqa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close