“Sheekada PSG wali waa qabyo” – Valverde oo Real Madrid u sheegay in PSG ay soo bixi karto

(Barcelona) 16 Feb 2018 Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa u sheegay Real Madrid in wali ay wax ka dhimanyihiin sheekada PSG.

Ernesto Valverde ayaa ka hadlay kulankii Real Madrid ay 3-1 uga adkaatay arbacadii PSG, wuxuuna sheegay inuu ahaa kulan cajiib ah oo uu daawaday.

Balse wuxuu intaa ku daray in wali ay wax ka harsanyihiin sheekada PSG taas oo ka dhigan inay ka soo gudbi karto Real Madrid.

Image result for Valverde Real madrid

“Real Madrid vs PSG? Waan daawaday kulankaas, Real Madrid waxay soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican, laakiin PSG wali ma dhamaystirin sheekadeeda” ayuu yiri tababare Ernesto Valverde.

Tababaraha Barcelona ayaa la waydiiyay in hadalkaas uu ula jeedo inuu Real Madrid u rajaynayo Guul daro, wuxuuna ku jawaabay isaga oo is moogaysiinaya:

“Waxaan rajaynayaa in Barcelona ay guul daro gaarsiiso Chelsea koobka horyaalada yurub”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close